Madaxweynaha: “Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya”

January 20, 2016 - Written by Editor

4Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.Waxan dhammaanteen si weyn ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen waxyaabihii halkan la idin ku barey. Waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida ay mar walba u taageerada hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Muxammad Al Uthman.

Munaasabaddan qiimaha leh , ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

——————————–DHAMMAAD——————–———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online