Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Gaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey Boosaaso.[Cod/Masawiro]

January 18, 2016 - Written by Editor

IMG_01111Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii ballaarnaa oo uu hoggaaminayey oo ka koobna labada gole ee Dawladda iyo xubno metelaya ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Kismaayo kaga qayb gelay shirweynihii Madasha wadatashiga qaran oo saaka kasoo amba baxay magaalada kismaayo ee xarunta ku meel-gaadhka Dawlad Goboleedka Jubba-Land ayaa maanta soo gaadhey magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisii ayaa intaasi kadib waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso iyadoo ay kaqayb qaateen soo dhoweynta waftiga Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdi xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u to badan oo ku labisnaa calamada Puntland iyo Soomaaliya iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli ayaa qolka Nasashada ee garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Boosaaso kula hadlay warfidiyeenada isagoona ka war-bixiyey safarkiisii shaqo ee muddada tobanka cisho ku dhow ay ugu maqnaayeen magaalada kismaayo iyo waxyaabihii ay kala kulmeen shirarkii ay kaga qayb galeen magaalada Kismaayo.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, golayaasha Dawladda iyo shacweynihii reer Boosaaso ee sida aan kala harka lahayn u soo dhoweeyey, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dawladda Jubb-Land iyo shacbi weynaha reer Jubba-Land sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhoweeyeen iyo marti soorkoodii wanaagsanaa muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirkii ay kaga qayb galeen magaalada Kismaayo ee looga hadlayey hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka aan lagu tilmaami karin mid fashilmay sidoo kalena arrinta laga wada hadlayey aanay ahayn mid si sahal ah natiijo looga gaari garo.
“runtii lama orankaro shirku guuldaruu kusoo dhammaaday, waxa laga wada hadlayey masiirkii dalka weeye wax sahlan maaha, waxaana rajeynayaa ugu dambayntii wax Puntland iyo Soomaaliyaba dani ugu jirto in ay kasoo bixi doonaan shirarka soo socda”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay madasha shirka geeyeen aragti shacabka Puntland ee ku saabsanayd in Degmo wax lagu soo doorto iyadoona marwalba aan la hilmaamayn midnimada iyo qarrannimada soomaaliya.

“waxaan idiin sheegayaa anagu ka-xukuumad ahaan waxaanu meesha geyney mawqifkii shacbiga reer Puntland weeye, dabcan shacabka reer Puntland waxay noo wakiisheen inaanaan soomaali ka go’in wixii tanaasulaad ah oo soomaali dan u ahna aanu meesha geyno”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in aan Puntland marnaba lagu faafin karin Mad-habka shiicada, guud ahaana shacabka reer Puntland iyo Soomaaliiyaba ay %100 yihii dad muslimiin ah oo Sunni ah.



Hoos ka dhagayso Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula haday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-MadaxweynahaKismaayo.mp3]

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online