Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad ka jeediyey Shirweynihii Madasha Wadatashiga ee Kismaayo ka furmay.[Cod/Masawiro]

January 14, 2016 - Written by Editor

IMG_9055Kismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14-Jan-2016 magaalada Kismaayo kaga qayb galay shirweynaha Madashasha wadatashiga Qaran ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka. Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qayb qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baar lamaanka Federaalka, Madaxweynaha Dawladda Jubbaland, Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed, Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Galmudug, Xildhibaanada labada gole ee Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo Dawladda Jubbaland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha shirka ayaa ugu horraynba uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Jubb-land Axmed Maxamed Islaan iyo guud ahaanba shacab weynaha reer Jubbaland oo dhabarka u ritey culayska marti gelinta shirweynaha wada tashiga Qaran ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay doorka ay Dawladda Puntland ka qaadatay sidii loo soo celin lahaa hannaankii dawladnimo ee dalku lahaan jirey iyo sidii loo mideyn lahaa shacbiweynaha soomaaliyeed eek ala irdoobey. “Dawladda Puntland waxay door muhim ah kaqaatay dib usoo celintii dawlad soomaaliyeed, waxayna u taagantahay midnimada shacabka soomaaliyeed iyo in lahelo dawlad dhab ah oo ku dhisan caddaalad, islamar ahaantaasna ka dhabaysa himilada ummadda soomaaliyeed ay u qabto dawladnimo rasmi ah”ayuu yiri Madaxweyne Dr.C/weli Maxamed Cali.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale madasha ka xusay aragtida shacabka reer Puntland ee ku aadan hannaanka doorashooyinka 2016-ka taas oo ku qotonta in golaha wakiillada lagu soo xulo hab Deegaan. “Puntland waxa ay hore u sheegtay, kuna adkaysanaysaa mawqifkeeda ku aadan in doorashada 2016-ka lagu saleeyo hab DEEGAAN, iyadoo la dhawrayo xuquuqda Dastuuriga ah ee dadka laga tirade badan yahay iyo Haweenka” sidaasi waxaa yiri Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale hoggaamiyayaashii kasoo qaybgalay madasha u sheegay in lasoo gaadhey waqtigii la xurmayn lahaa rabitaanka shacabka shacabka soomaaliyeed kaas oo ku qotoma sidii loo heli lahaa isbedel dhab ah oo waddanka ka dhaca. Madaxweynaha Dalwadda Puntland ayaa sidoo kale ka digey in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga beelaha ee 4.5 kaas oo hore u soo ragaadiyey ummadda soomaaliyeed.

“Puntland waxay ka digeysaa in aan dib loogu noqon hannaankii wax qaybsiga qabiil oo ummadda Soomaaliyeed hore u soo diloodey”ayu yiri madaxweyne Gaas.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Dawladda Puntland marwalba diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxda Soomaalida kamira-dhalinta hannaanka dawlad soomaaliyeed oo leh matalaad dhab ah iyo caddaalad, dalkana gaadhsiin karta dawladnimo loo dhan yahay.

Hoos ka dhagayso Khudbaddii Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas ka jeediyey shirka Kismaayo

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Khudbadii-Madaxweynaha.mp3]

DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online