Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso kuna soo dhoweeyey Wufuud Caalami ah[Masawiro]

January 7, 2016 - Written by Editor

IMG_4708Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 07-Jan-2016 waxa ay kormeero u kuur gal ah kusoo sameeyey Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha eee Boosaaso oo maalinta berrito ah xadhigga laga jari doono.

Madaxweyn dawladda Puntland ayaa intaanu kormeerkiisa bilaabin waxaa uu salaam sharaf ka qaatay cusubto katirsan ciidanka Pollice-ka Puntland iyo ciidanka Badda Puntland ee PMPF oo salaanta madaxweynaha diyaar ugu ahaa gudaha Gegida Diyaaradaha Caalamiga eeh Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay socod dheer oo lugu ah ku mareen waddada diyaaraduhu ku ordaan ee “Run way” si indhohooda ugu arkaan shaqada baaxadda leh ee halkaasi laga hirgeliyey.

Kormeerka kadib Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey safiirka Waddanka China u fadhiya Soomaaliya iyo Safiirka Waddanka Talyaaniga u fadhiya waddanka Soomaaliyaa oo labadooduba hal diyaarad saarnaa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka iyo labadii safiir ayaa shir jaraa’id kuqabtay Qaybta Nasashada ee VIP-da  shirkaas uu ugu horaynba ka hadlay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynah Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadcliyey Safiirka Talyaaniga sida ay u garab istaageen guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland oo xilli ay u baahnayd ay ka caawiyeen mashaariic muhim ah kuwaas oo uu kamid yahay Telefishka Dawladda Puntland iyo Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo mashaariic kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyey Safiirka China iyo shirkadda CCECC sida hagar la’aanta ah ee ay ufulisey shaqadii baaxadda lahayd ee loo igmaday shirkadaaas oo ah mid ay leedahay dawladda China, taas oo habeen iyo maalinba shaqadeeda uwadatey si’aan kala har lahayn.

Geesta kale labada safiir ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dawladdiisa shaqooyinka iyo mashaariicdan sida ay ugu fuliyeen sidii loogu baahnaa welibana u dar-dar geliyey shaqooyinkaasi ugana ilaaliyeen sidii aanu ugu imaan lahayn wax hakad ah ama dib ugu dhac ah.

no images were found

 —DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online