Madaxweynaha Dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.[Cod/Masawiro]

January 5, 2016 - Written by Editor

IMG_2611Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey  ayaa maanta 05-Jan-16 si weyn loogu soo dhoweeyey  magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Wafdiga  Madaxweynha ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, XIldhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Wetiga Madaxweynaha aya intii ay jidka kusoo jireen  waxaa ay kusoo hakadeen tuulada Shire halkaas oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu dadkii soo dhaweeyey uu mid mid u gacan qaaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib soo gaadhey Degmada Qardho ,halkaasi  oo ay kusoo dhoweeyeen boqollaal dadweyne ah kuwaas oo si aan kala har lahayn ugu soo baxay soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu soo gaadhey magaalada  Qardho meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha Magaalada kuwaas oo ilaa shalay diyaar garoow ugu jirey  sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, islamarhaantaana uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  intaasi kadib dhagax dhigay Xarunta Guriga Gobolka Karkaar isagoona Xarigga ka jaray Dhismaha Madaxtooyo Cusub ee magaalada Qardho, taas oo Dawladda Puntlan ka hirgelisey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qubuuraha magaalada Qardho kaga qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey mid kaid ah Saraakiisha Ciidamada Dawladda Puntland oo ku nafwaayey hawl-gal uu kawadey Gobolka Karkaar iyo laba qof oo shacab ah oo dabley hubaysani kudileen Deegaanka Qayaad-same ee Gobolka karkaar.

Madaxweynaha ayaa ilaahay uga baryey saddexda marxuun in uu u naxariiso qabrigana u waasiciyo dhammaan shacabka Puntland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo, gaar ahaa sarkaalka naftiisa kuwaayey isagoo qaranka u shaqaynaya.

no images were found

Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas jeediyey markii uu soo gaaray Qardho

[audio: http://idilnews.com/wp-content/uploads/2016/01/qardho.mp3]

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA , HIDDAHA DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online