Madaxweynaha Dawladda Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda.[Masawiro]

January 2, 2016 - Written by Editor

IMG_0394Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa 02-Jan-16 soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, shirkaas oo maanta 15-wasaaradood iyo labo hay’adood ay kusoo bandhigeen wax-qabadkoodii sannadki tegey ee 2015-ka.

Dhammaan hay’adihii kala duwanaa ee Dawladda oo maanta soo bandhigay wax-qabadkoodii ayaa waxaa su’aalo la-xiriira shaqooyinkooda weydiinayey intii shirku socdey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, Golaha Wasiirada iyo xeeldheerayaal kala socda ururada kala duwan ee bulshada kuwaas oo kasoo qayb galay shirka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood oo dambe ah ayaa maalinimada beri ah waxa lagu soo bandhigi doonaa wax-qabadkii qaybo kamid ah Hay’adaha Dawladda kuwaas oo aan weli bandhigin waxyaabihii u qabsoomay.

Sidoo kale maalinta ugu dambaysa ee 04-Jan-2016 ayaa qorshuhu yahay in Hay’adaha Dawladda Idil ahaantoodba ay soo bandhigaan qorshe hawleedkooda sannadkan cusub ee 2016-ka iyo wax-yaabaha ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay ujeedka barnaamijkani in ay tahay in bulshada iyo dawladdu ay isu muuqdaan islamarkaasna ay bulshadu ogaato halka ay marayaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay dawladdu u hayso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale xusay barnaamijkani in uu dar-dar gelin doono shaqada ay dawladdu u hayso bulshada maadaama oo dawladda Puntland ay tahay mid ku dhisan wadatashi iyo isla-xisaabtan isla markaasi shacabka Puntland ay yihiin kuwo laxisaabtami doona Dawladdooda.

no images were found

DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online