Madaxweynaha Dawladda Puntland ”waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda inaan ka caddeeyo in Madaxda Federaalka aysan runta ka sheegin shirkii Kismaayo”.[Masawiro]

January 25, 2016 - Written by Editor

IMG_06041Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Jan-2016 xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac u ah shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka. Shirka ayaa waxaa iyana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka dawladda federaalka, madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka kajira iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Shirkaan oo gogol xaar u ahaa shirweynaha madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa ugu horraynba khudbad kajeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan heshiisyo lagu soo gaarey shirkii Kismaayo. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo intaasi kadib khudbad xasaasi  ah kajeediyey shirka  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dalwadda Federaala, isla markaasna sheegay in uu ka xunyahay in madaxda sare ee dalku ay shirka ka sheegaan warar aan sal iyo raad lahayn.

“waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda  inaan ka caddeeyo warka ka soo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ee sheegay in Kismaayo heshiis lagu gaadhey, waxaanse halkan kaxaqiijinayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo lagu soo  gaarey magaalada Kismaayo oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay halkaan u yimaadeen wadatashi balse aanay u socon in ay qayb ka ahaadaan go’aano hore loo gaadhey, isagoona ku celiyey mawqifkii Puntland ee ahaa in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah.

“Puntland waxay halkaan u timi wada tashi, si loo helo dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad, balse uma iman in aanu ka-qayb qaadano go’aano hore loo gaarey,sidoo kalena  Puntland kama shaqaynayo go’aano ay cid keliya halkaan ku gaartey, mawqika Puntland waa In Deegaan wax lagu soo doorto” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli. 

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online