Madaxweynaha DFS oo ka qayb galay aas baroordiiq ah oo loo sameeyey askartii Kenya ee lagu dilay Ceel-Cade.[Masawiro]

January 28, 2016 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Eldoret ee dalka Jamhuuriyadda Kenya kaga qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay ciidammadii dhowaan Kenya looga dilay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.Madaxweynaha oo kulankaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyntii tacsi u diray shacabka, dowladda iyo madaxda Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneyso reer Kenya. “Waxan halkan u imid inaan idin kala qeybgalo baroor -diiqda loo sameynayo geesiyaashii idinkaga dhintey Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa hawlgalka lagu nabadeynayo dalkeena. Fariinta aan idin wado waxay tahay inaan idin mahad celiyo, aana idin ku bogaadiyo taageerada aad inoo fidiseen xilli aad u adag. Weligeen waan idin garab istaagi doonaa, ilaa aan nabad buuxda uga dhalino gobolkeena. Waan hubaa inaan dhowaan ciribtiri doono Al Shabaab iyo kooxaha la midka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab ay yihiin kuwo aan ku dhaqmin wax diin ah, falalkoodana ay yihiin kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, sida laga dheehan karo falkii dhowaan ay ku laayeen dad aan waxba galabsan oo ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta, oo isna halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee xuskan uu ka tarjumayo sida labada dal ay uga mideysan yihiin la dagaalanka argagixisada, isagoo intaa ku darey inaan marnaba la isku dhiibi doonin argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Muhammadu Buhari, oo isna ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay baroor-diiqda ayaa sheegay in caalamka looga baahan yahay inuu u midoobo la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Kulanka baroor-diiqda kadib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu kulan gaar ah isla magaalada Eldoret kula yeeshay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Kulankaasi ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada waddan.

————————DHAMMAAD————————-

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online