Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeyey geerida Wariye Cabdi Xaaji Gobdoon

January 26, 2016 - Written by Editor

goobdoonMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon oo ahaa La Taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka arrimaha warfaafinta. “Inna Lillahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa uu naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaa uu ahaa hawlkar waddankiisa wax badan u qabtey, taariikduna ay xusi doonto. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon, oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu aha rug caddaa dhinaca saxaafadda, isagoo mar noqday afhayeenkii madaxtooyada Soomaaliya, Agaasimihii Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada, iyo isagoo weliba ka mid ahaa dhalinyaradii lagu aasaasey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Ruushka.

Allaha u naxariistee marxuumka waxaa uu waqtiyadan dambe ku hawlanaa dib u soo nooleynta iyo tayeynta saxaafadda Soomaaliya, iyo isagoo xubin ka ahaa Akademiyadda Dhaqanka Soomaaliya iyo Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

——- DHAMMAAD——

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online