Madaxweynaha DFS oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya

January 18, 2016 - Written by Editor

IB0A7067Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilk cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating.

Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.

Mr Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Mr Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online