Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu laabtay Muqdisho

January 9, 2016 - Written by Editor

78258127-28e4-449b-9a74-fc1d8f26830dMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, ka dib socdaal shaqo oo dhowr maalmood uu ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Boosaaso waxaa uu ka qeyb galay munaasab balaaran oo xariga looga jarayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo dhawaan dib u dhis iyo ballaarin lagu sameeyey.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad lagu maamuusay sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay xiligii la doortay Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas taas oo ku beegneeyd 8-da bisha Jannaayo.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Boosaaso wuxuu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo qaybaha bulshada ku nool Boosaaso, isaga oo ku amaanay dadaalka iyo horumrka ka socda Puntland wuxuuna si gaara ugu amaanay amniga ka jira Puntland.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online