Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Eldoret (Masawiro)

January 27, 2016 - Written by Editor

2Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Eldoret ee dalka Kenya, halkaasoo uu kaga qeyb galayo munaasabad loogu baroor diiqayo askar ka tirsan ciidanka Kenya kuwaas oo lagu dilay deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo .

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiro kale ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud garoonka diyaaradaha ee magaalada Eldoret .

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Eldoret waxaa kale oo la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Eldoret madax ka tirsan Midowga Afrika si ay uga qeyb galaan munaasabad loogu baroor diiqayo askar ka tirsan ciidanka Kenya kuwaas oo lagu dilay deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo .

Madaxweynaha DFS ayaa tacsi u aaday dalka Kenya xili diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay xasuuq ka wadaan gobalka Gedo iyaga oo barakiciyey kumanaan shacab ah kuwaas ku rafaadsan deegaano ka tirsan gobalka Gedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ugu tacsiyadeeyay dhigiisa Kenya, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ka dib markii kooxda Al-Shabaab ku laayeen deegaanka Ceelcade ciidamo ka tirsan dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online