Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

January 25, 2016 - Written by Editor

xasan2-400x200Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga soo qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayey isku-dubbaridka, xoojinta iyo iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, waxaana intii uu halkaa joogey kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qeybgashey shir madaxeedka oo uu ka mid yahay Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla Bin Xuseen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo mas’uuliyiin kale.

——DHAMMAAD———

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online