Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

January 28, 2016 - Written by Editor

xassan2Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga soo qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay askartii dhowaan degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo looga dilay Kenya.

Munaabadaasi oo sidoo kale ay ka soo qeybgaleen Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xusey in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Kenya, dagaalka lagula jiro argagagaxisada.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole .

————————DHAMMAAD————————-

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online