Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Kismaayo

January 13, 2016 - Written by Editor

xasan-sheekh-safarKismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa saaka gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka soo kicitimeen magaalada Jowhar ooo uu si rasmi ah shalay uga soo furay shirkii maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa uu furi doonaa shirka wada tashiga qaran ee la doonayo in madaxda Soomaalidu ay isla meel dhigaan qaabka ugu haboon ee ay noqonayso doorashada Soomaalida Sanadkaan 2016.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha dowadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda lama yaqaan wax ka soo bixi kara shirka wada tashiga qaran ee ka bilaaban doona magaalada Kismaayo xili madaxda Soomaalidu ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaalida Sanadkaan 2016.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online