Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdigii la socday oo ka soo duulay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

January 28, 2016 - Written by Editor

GAAS1Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa mudo labo maalmo ah ku sugaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa saaka ka soo dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili shalay uu u gacan diiday Go’aan ay soo saareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalmaka una aadan qaabka ay u dhacayso doorashada 2016.

Wafdiga Madaxweynaha Gaas ayaa shalay lagu qancin waayey in uu aqbalo go’aanka soo baxay isagoo ku adkeystay in uusan aqbalaynin 4.5 in lagu soo xulo aqalka hooska iyo in aqalka sare lagu soo xulo maamul gobolleedyo.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa ka socda qabanqaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweyne Gaas oo saacadaha soo socda ka soo degi doono garoonka caalamiga ee Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankii laga soo saaray shirkii lagu soo afmeeray Muqdisho waxaan lagu taageerayaa mowqifka uu qaatay madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas iyo wafdigii la socday.

Dhanka kale waxaa isla saaka ku soolaabtay magaalada Muqdsho Madaxweynay dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka soo qayb galay aas baroordiiq loogu samaynyay ciidanka AMISOM ee dalka Kenya oo ay iidanka Al-shabaab ku laayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online