Madaxweynaha: “Horumarka ka socda Puntland waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan’’

January 7, 2016 - Written by Editor

IMG_5332Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka soo degay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo maalinta beri si rasmi ah magaalada uga furi doona garoon diyaaradeed oo cusub oo caalami ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane C/weli Maxamed Gaas, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Puntland, iyo shacabka magaalada Boosaaso.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Boosaaso oo furitaanka garoonka ka sokow, uu ka qeybgeli doono munaasabadda lagu xusayo sannad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii Madaxweyne Gaas loo doortey jagada madaxtinimada maamulka Puntland.

“Hirgelinta garoonkan casriga ah waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan shacabka reer Puntland. Waa wax lagu farxo in Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo xeebta ku taalla ay ku tallaabsato horumarkan weyn oo wax ka tari doona dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaan bogaadinayaa hoggaanka maamulka Puntland hawsha wanaagsan ee ay hayaan ee dhinaca horumarka, waxaana si gaar ah hambalyo ugu dirayaa Madaxweyne Gaas oo u dabaal-degaya sannad guuradii 1-aad tan iyo markii uu xilka qabtey’’.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in inta uu joogo Boosaaso, uu sidoo kale ka qeybgeli doono kulamo wadatashi oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhiska qaranka.

– DHAMMAAD——

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online