Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer ku tagay Dekada Boosaaso.[Masawiro]

January 30, 2016 - Written by Editor

IMG_1435Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 30-Jan-2016 kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey Dekedda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Puntland, taas oo dhowaan la ballaadhin doono si’ay ula tar-tanto Dekedaha Caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha-indheeyey xafiisyada waax-yaha kala duwan ee Wasaaradda Maaaliyaddu ay kuleedahay gudaha Dekedda Boosaaso si’uu si dhow ugu ogaado qaababka kala duwan ee ay bulshada ugu adeegaan xafiisyadaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale soo kormeeray Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda halkaas oo warbixino kaga dhegeystey Wasiiru-dawlaha wasaaradda iyo Wasiir-kuxigeenka wasaaradda kallumaysiga iyo khayraadka badda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kormeerkiisa ku tegey Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la-dagaallanka Burcad badeedka, waxaana uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, isagoona idhihiisa kusoo arkay qalabkii lagu dhisilahaa Dekedda oo qayb ka-mid ah dhowaan lakeenay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii soo indha-indheeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyadoo uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Dhammaan Wasaaradihii uu soo kormeeray kula dar-daarmay in ay dar-dar geliyaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan si’ay qayb uga ahaadaan isbeddeelkii maamul wanaag ee uu hore u ballaan qaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland.

 —DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online