Madaxweynaha Puntland iyo Wafti oo uu hoggaaminayo oo Muqdisho u Amba baxay (Masawiro)

January 24, 2016 - Written by Editor

IMG_03171Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo isugu jira labada gole ee Dawladda iyo xubno metelaya ururada bulshada rayidka ah ayaa maanta 24-Jan-16 ka amba baxay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyagoo kusoo jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaanu ka dhoofin garoonka caalamiga ah ee Boosaaso ayuu war-fidiyeenada kula hadlay qolka nasashada ee garoonka isagoona ka warbixiyey ujeedka safarkiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay ujeedka safarkiisu in  uu salka ku hayo inay magaalada Muqdisho kaga qayb galaan shirarka looga hadlayo aayaha soomaaliya iyo hannaanka geeddi-socodka  2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa markale ku celiyey in ay madasha shirka geyn doonaan aragtida shacabka Puntland ee ku saabsan nooca doorasho ee ugu suurtagalsan xilligan dalka in ay  ka qabsoonto si loo helo dawlad soomaaliyeed oo sax ah oo ku timaadda metelaada shacabka  taas oo ah  in qaab DEEGAAN wax lagu soo doorto.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Madaxmed Cali Gaas ayaa uga digey shacab reer Puntland siyaasiyiin warbaahinta qaybeheeda kala duwan kasheegay warar aan sal iyo raad lahayn si’ay bulshada u jaah wareeriyaan waxaana uu ku tilmaamay siyaayiin ku fashilmay siyaasadda kadiba doona in ay bulshada majara habaabiyaan

“waxaan rabaa in aan idiin sheego niman siyaasiyiin ah oo fashilmay oo beryahan idaacadaha ka hadlayey oo doonayey bulshada in ay jaahwareeriyaan beena u sheegaan, waxaan u sheegayaa shacabka reer Puntland in ay ku kalsoonaadaa dawladdooda iyo madaxdooda” ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Madaxamed Cali.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online