Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Shirka isla Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda

January 2, 2016 - Written by Editor

IMG_0166Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subaxnimadii hore 02-Jan-16 daah furay shirka isla-xisaabtanka hay’adaha Dawladda Puntland shirkaas oo ah mid sannadle ah oo sannadkiiba mar laqabto si bulshadu ay u ogaato ballanqaadyadii ay dawladdu u samaysay waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsooni iyo sababta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay barnaamijkani inuu ku qotomo sidii ay bulshada iyo dawladdu ukala warqabi lahaayeen maadaama cidda ay dawladdu u adeegayso ay tahay bulshada Puntland.

“waxa loo shaqaynayaa waa dadweynaha reer Puntland, waxaa waajib ah in shacabka iyo dawladdu isu muuqdaa, shacabku waa inay arkaan waxa u qabsoomay xukuumadda iyo waxa aan uqabsoomin”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay cidda leh qiimaynta rasmiga ah ee ku saabsan wax-qabadka dawladda inay yihiin dadweynaha Reer Puntland balse aanay ahayn xukuumadda dhexdeeda, taasina ay tahay sababta keentay qabashada shirkan.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ka-madaxweyne ahaan ay ukala qiimaysan yihiin wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee daeladdu isla markaasina uu ogyahay wasaarad walba waxa ay qabatay iyo waxa ay ka-gaabisay iyo sababta balse uu doonayo in shacabkuna ay lasocodaan maadaama ay iyagu leeyihiin qiimaynta kama dambaysta ah.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online