Madaxweynaha Puntland oo kormeeray xarumo kala duwan magaalada Kismaayo (Masawiro)

January 12, 2016 - Written by Editor

IMG_8555Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Clai Gaas, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dawl-goboleedka  Jubba-land ayaa maanta 12-Jan-2016 kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey xarumo isugu jira dawli iyo kuwo shacab.

Xarumahii ay maanta soo  kormeereen Madaxdu ayaa waxaa kamid ahayd Xarunta Caymiska oo ah halka uu kadhici doono shirweynaha madasha wadatashiga qaran oo si’aad u qurux badan loo hagaajiyey loona dhammaystiray agabkii shirku u baahnaa iyo xarumihii ay madaxdu ku nasan lahaayeen xilliyada nasashada.

Sidoo kale goobihii ay Madaxdu kormeereen waxaa kamid ahaa AGAN Hotel  oo ah  hotel casri ah oo dhowaan xadhigga laga jaray isla markaasna la dejiyey qaybo kamid ah Ergooyinka shirka kaqayb geli doona.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii waxa uu tegey Hotel Kismaayo oo kamid ah Hotelada ugu caansan magaalada Kismaayo halkaas oo uu madaxweynuhu kula qaxweyey Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland JeneraalCabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Ganacsato iyo  Odayaal dhaqameed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo isla markaasna ka qaxweeyo maqaaxiyaha magaalada iyadoo aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha nabad diidka ah.

“Sharafweyn bay iitahay inaan maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo soona booqdo xarumaha dawladda iyo hoteelada magaalada, waxaadna muuqata maanta sida ay magaalada kismaayo isu bedeshey amnigeedii iyo bilicdeediina ay isu bedeshey”ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay guud ahaan dadweynaha  reer Jubba-land iyo Dawladoodaba  in ay iska kaashadaan ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online