Madaxweynaha Puntland oo Maanta Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland.(Masawiro)

January 31, 2016 - Written by Editor

IMG_1803Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31-Jan-2016 kormeero u-kuur gal ah  ku tegey goobo ay ka-mid yihiin Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Cusbitalka guud ee Magaalada Boosaaso iyo Xarunta Guriga Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Goobahaasi waxaa uu kulamo kula qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee xarumahaasi isagoona ka-xog waraystay xaaladda guud ee bulshada loo adeegayo iyo shaqada dhabta ah ee ka socoto dhammaan xarumahaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale socod dheer oo lug ah waxa uu kumaray qaybo kamid ah waddooyinka magaalada Boosaaso isago salaamayey dad shacab ah oo goobohoodii ganacsiga jooga kuwaas oo Madaxweynaha u muujinayey sida ay ugu faraxsanyihiin in ay arkaan madaxweynohoodii oo suuqa dhex lugaynaya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa faray Maamulka gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo kan cusbitalka guudba in ay dar-dargeliyaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyagoo bulshada u muujinaya debecsanaan iyo hawlkarnimo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale waxaa uu booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland isagoo halkaasi salaam sharaf kaga qaatay boqollaal askari oo tababar uga socdo xaruntaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka ciidanka tababarka ku-jira ayaa ku ammaanay isbeddelka ka muuqday muddadii yarayd ee uu tababarku u-socdey, isagoona kula dar-daarmay in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan si’ay markuu tababarku u-soo xidhmo ay  uga soo baxaan  iyagoo wata aqoon  tayo le oo ay dalkooda ku difaaci karaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay saraakiisha tababaraysa ciidanka Badda Puntland in ay xooga saaraan sidii ay ciidanka ugu beeri lahaayeen waddaniyadda iyagoo si dhab ah u tusaya ciidanka qiimaha ay leedahay waddaniyaddu.

“Ciidanka waxaa ugu muhiimsan waxa weeyaan in waddaniyad lagu beero,weliba  dalkooda difaaciisa iyo wanaagiisa lagu tababaro oo lagu hago weeye” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online