Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kula kulmay wakiilada Beesha caalamka.[Masawiro]

January 24, 2016 - Written by Editor

IMG_0442Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ee isugu jirey xubnaha labada gole ee Dawladda iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa soo gaadhey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa uu shirar kala duwan garoonka kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga waxaa ayna ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu garoonka shir kula qaatay safiiro iyo wakiilo kala duwan oo kala socda beesha caalamka waxaana ay kawada hadleen marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee Dawladda Puntland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.

Maalmaha Soosocda yaa magaalada Muqdisho waxa ka furmi doona shirar looga hadlayo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka, kuwaas oo la doonayao in lagu jaan-gooyoo nooca doorasho ee dalka kadhici doonta bilaha August iyo September ee Sannadkan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online