Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kismaayo (Masawiro)

January 10, 2016 - Written by Editor

IMG_8233Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaan uu hoggaaminayo ayaa maanta 10-Jan-16 siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubba-land.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jubba-land, Madaxweyne ku-xigeenka xubnaha labada gole ee Wasiirada iyo xildhibaanada iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Jubba-land ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaarada ee Magaalada Kismaayo  uga mahadceliyey madaxweynaha Jubba-land iyo shacabkiisa sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale  sheegay in ujeedka socdaal kiisu  uu la xiriiro shirkii loo balan sanaa ee Wadatashiga Hannaanka Doorashada 2016ka, Waxa uuna Madaxweynuhu rajo wanaagsan ka muujiyay qodobo danta Soomaaliyeed ku jirto in ay ka soo bixi doonaan shirka beri furmi doona.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa la filayaa inta ay joogaan magaalada Kismaayo in ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online