Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo xarigga ka jaray Barnaamijka SOLAR-ka oo ileysa Cadceeda ku shaqeeya.[Masawiro]

January 5, 2016 - Written by Editor

IMG_9882Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Caawa 04-Jan-16 xarigga kajaray barnaamijka Ileyska Cadceedda ku shaqeeya ee loo yaqaan “Solar System” oo dhowaan laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Munaasibadda Xarigga looga jarayey Barnaamikan waxaa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Duqqa Caasimadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, shirkaddii barnaamikan kahirgelisey caasiimadda iyo dadweyne kale.

Barnaamijkan Ileysaka cadceedda ku shaqeeya oo dhowaan laga hirgeliyey Caadimadda Puntland ee garoowe ayaa waxweyn ka beddeley iftiinkii iyo quruxdii caasimadda oo xilliga habeenkii ah u kaahaysa sida maalintii oo kale , waxaana barnaamijkan iska kaashaday Dawladda Hoose ee Garoowe iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay kamid tahay Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” .

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa mashruucan ku tilmaamay inuu ka mid yahay guulaha isdaba jooga ah ee ay ku tallaabsatay dawladda Puntland kuwaas wax-badan ka beddeleysa horumarka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo kale xusay mashruucani inuu wax badan kusoo kordhin doono caasimadda uuna ka qayb qaadan doono isu socodka dadweynaha, sugidda nabadgelyada iyo horumarka ganacsi ee ka socda caasimadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo sheegay in ay jiraan barnaamijyo kale oo lagu beddeleyo wejigii lagu yaqaaney caasimadda Puntland si’ caasimaddu ula jaanqaado caasimadaha kale ee dunida

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online