Al-minhaaj iyo Jaamacadda Bariga Afrika oo tababar u soo xiray arday gaaraysa 360 arday.[Masawiro]

January 23, 2016 - Written by Editor

20160117_092957Boosaaso:-Kulan cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-minhaaj faraca bari oo kaashanaysa Jaamacada Bariga Africa loona qabtay ardayda dugsiyada sare ee magaalada boosaso ayaa maalinimaddii shalay lagu soo gabagabeeyey hoolka Jaamacada Bariga Afrika. Kulan cilmiyeedkan oo socday muddo 4 maalmood ah, ayaa waxaa ardaydu ka faaideysteen casharo kala duwan oo ku sabsan diintooda iyo waliba wacyi galin guud oo looga digay dhibaatooyinka kala duwan ee ku wajahan dhalinyaraada sida tahriibta, qabyaaladda iyo anshax xumada.

Munaasabada lagu soo xirayey kulan cilmiyeedkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay madax kala duwan oo ay kamid yihiin: Wasiirka waxbarasha iyo tacliinta sare ee dowlada puntland Dr.Abshir aw yuufus, Wasiirki ku xigeenka waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax, xildhibaan C/risaaq Cismaan Juurile, gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamed caydiid, isimo ,culima’udiin , bahda waxbarashada, iyo waliba maamullada mu’asasada alminaaj iyo jaamacada bariga Africa.

Ugu horeyntii waxaa ka hadlay munasabadda Sh.Maxamed Macalin Axmed oo kamid ah culimada ugu waaweyn deeganada puntland kana mid ahaa culimadii wax kabixinaysay tababarkan ayaa waxa uu bogaadiyey kulankan ardayda dugsiyada sare loo qabtay waxaa uuna kula dardaarmay ardaydii kafaa’idaystasay tababarkan in ay kudhaqmaan ficilna urogaan aqoontii iyo khibradii ay ka faaiideen inta uu socday kulan cilmiyeedkaan.

Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Aadan sheikhdoon ayaa cabiray sida uu ugu farax sanyahay in jaamacada bariga Africa ay marti galiso kulan cilmiyeed noocaan oo kale ah ,wuxuuna u mahad celiyey Mu’asasada alminhaaj iyo iskoolada ka qayb kaatay kulan, isaga uu ku booriyay dawladda iyo bahda waxbarashada in la badiyo kullamada noocan oo kale ah oo dhaxal gal u ah dhalinta .

Dhanka kale, Gudoomiyaha guud ee Mu’asada Al-minhaaj Maxamed C/laahi C/le oo ka hadlay goobta, ayaa waxa uu tilmaamay in kulan cilmiyeedkan loogu talagaly in lagu wacyi galiyo dhalinyarta ,cilmi iyo waayo aragnimana loo siyaadiyo, luguna dareensiiyo ahmiyadda iskaashiga wax wada qabsiga ee dhalinyarada. Wuxuuna intaas ku daray in kulankaani uu kaalin weyn kaqaadanayey isdhexgalka bulshada, maadaama ay isku yimaadeen arday kasocota 16 iskool iskuna barteen halkaas.
Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in Mu’asasada Alminhaaj ee dacwada iyo hurmarinta ay marwalba ka shaqayso in ay wacyigaliso bulshada kana shaqayso sidii ay aduun iyo aakhradooduba uwanaagsanaan lahayd.

Beel daaje: Cali faarax oo kamid ahaa isimada puntland ayaa aad u bogaadiyey kulan cilmiyeedkan wuxuuna umahad celiyey mu’asasada Alminhaaj oo soo qaban qaabisay iyo jamacada bariga Africa oo ka qayb qaadatay kulankaan martina galisay. Intaa kadib ayaa hadalka waxaa qaatay xildhibaan C/risaq Cismaan Jurile oo kamid ah xildibaanada baarlamaanka federalka soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay in uu aad ugu farax sanyahay in uu kosoo qayb galo munaasabadan lagu soo xirayo kulan cilmiyeedkan ardayda dugsiyada sare loo qabtay Wuxuuna carabaabay in ahmiyad aad u weyn ardayda uleeyahay kulankaani ,loona baahanyahay in la soo celceliyo.

Wasiirka wasaarada waxbarshada Dr.Abshir aw yuusuf oo gabagabadii munasabada kahadlay ayaa sheegay in kulancilmiyeedka noocaan oo kale ah ay Qiimo weyn ugu fadhido da’yarta iyo bulshada guud ahaanba loona in lasoo celceliyo . Waxana uu dhalinta ku booriyay inay ka faiidaystaan fursadaha waxbarasho ee noocan oo kale ah ama kuwa ay bixiso jaamacaddu, isaga oo sheegay inay adkayd in la helo kulamaddan noocan oo kale ah xilligii uu waxbranayay.

Wasiirka oo hadalkiiisa siiwata ayaa umahad celiyey Mu’asasada Al-minhaaj faraca bari,iyo jaamacada bariga Africa oo iska kaashaday qabsoomida kulan cilmiyeedkaan ,iyo iskuuladii kaqayb galay . isagoo dhanka kalena ardayda kulan dardaarmay in ay weeleeyaan dhaqan galiyaana macluumadkii ay ka dhaxleen kulan weynahaan.

Ugu danbayntii munaasabada ayaa waxaa ardayda kaqayb gashay tababarka loo qaybiyey shahaadooyin iyo abaalmarino badan. Sikastaba aha ahatee Kulan cilmiyeedkaan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa oo lagu qabto magaalada boosaso.

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online