Mu’assasada Al-minhaaj faraceeda gobolka bari oo maanta tababar Mu’diniinta u qabatay.[Masawiro]

January 12, 2016 - Written by Editor

20160112_094651Boosaaso:-Tababar labo cisho soconaya ayaa maanta magalada Bosaso loogu qabtay mu’adiniinta masaajida magalada oo ay soo qaban qaabisay  mu’asasada  Al-Minhaaj  ayaa waxaan kasoo qayb galay , wasiirka Cadaalada iyo culimadda Gobalka, qayb kamid ah isimada iyo ganacsato.  Xasan Cabddale Xasan madaxa Al-Minhaaj Gobalka Bari oo bilowgii tababarka ka hadlay ayaa sheegay muhiimadiisa inay tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda mu’adiniinta iyo in la xasuusiyo waajibaadka iyo masuuliyadda ay umadda u hayaan.

Casharadda ayaa waxaa bixinaya culimadda Gobalka, waxayna sheegeen inay muhiim tahay dadka masuulka ka ah masaajiyadda inay aqoontoodo wanaagsan tahay iyo ahmiyadda ay lee dahay xirfadda mu’adanimadda. Sh.Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culimadda Soomaaliyeed ee ku nool magalada Bosaaso ayaa sheegay Aadaanka in uu yahay calaamad lagu garto dadka muslimka ah  cadaynaayana  hadafkii loo abuuray dadka  ,waxaana uu sidoo  uu ku dheeraaday qiimaha uu leeyahayn mu’adinka.

Waxaa ayana hadala dhaxal gal ah goobta kasoo jeediyay nabadoon c/qaadir xarago  iyo ganaacsade yaasiin maxamud cali oo bogaadiyay shaqada ay mu’asasadu bulshada u hayso . Wasiirka Cadaalada ,Diinta iyo awqaafta Puntland Salaax Xabiid Jaamac ayaa ugu mahaceliyay mu’asada Al -Minhaaj oo tabarkaan u qabatay mu’adiniinta , waxaana uu ku tilamaamay tabarka mid muhiim ah.

Gudoomiyaha Mu’asada Al- Minhaaj ee dacwada iyo hormarinta Sh. Maxmed  Cabdulaahi  Cabdule ayaa dhankiisa xusay in ay wadi doonaan tabarada noocani ah , waxaana intaasi uu ku daray in horay  ay uga qabteen tababar ka dhigiisa ah  gobalada kale ee Puntland , Maxamed  C/laahi  Cabdule Gudoomiyaha Minhaaaj  ayaa  ka codsaday wasaarada Cadaalada in tira koob ku sameeyaan magaala walbo  masaajid kuyaal  sidoo kale ay tababaro siiso  mu’adimiinta ,waxaana uu   xusay in ka mu’asasada ahaan ay garab istaagi doonaan  Wasaarada.

Mu’ssasada Al-minhaaj
Bosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online