Mu’ssasada Al-minhaaj ee Gobolka Nugaal oo wacdi u jeediyey maxaabiista ku xiran Jeelka weyn ee Garoowe.[Masawiro]

January 5, 2016 - Written by Editor

IMG_20160104_072527Garoowe:-Mu’ssasada Al-minhaaj xafiiskeeda Gobolka Nugaal oo mudooyinkii danbe waday olole ay u wacyi gelinayso guud ahaan bulshada ugna digayso khataro badan ayaa maantay wacdi u soo jeedisay Saraakiil ciidan , Askarta Xabsiga iyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Ma ahan kulankaani kii ugu horeeyay balse waxaa marar badan oo dhowr ah booqday maxaabiista ku xiray xabsiga weyn ee magaalada Garowe Culimado ay hogaami nayso Mu’ssasada Al-minhaaj waxaana loogu deeqay hadda ka hor qalabka farsamada gacanta , Kitaabo ay ka bartaan Diinta Islaamka iyo Agab kale.

Waxaana saakay muxaadaro ka hadlaysa mas’uuliyada saaran askarta halkaas ka soo jeediyey Sh.Maxamed Axmed Faarax(Dabiixi) waxaana Sheekhu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in askarigu dareemo xilka ka saaran bulshadiisa iyo diintiisa.

Sheekha ayaa intaas ka dib la hadlay maxaabiistii ku xirnayd jeelka isagoo u dardaarmay in aysan ku noqon wixii xumaa ee loo soo xiray islamarkaana aysan inta balwada iska daysay aysan dib ugu laaban Cunida iyo Cabida Maandooriyaha.

Ugu danbayntii waxaa maamulka Xabsigu uga mahad celiyay Muxaadaraadkaan Qiimaha badan oo Mu’ssasada Al-minhaaj ay soo gaarsiisay Maxaabiista iyo Askarta Asluubta.

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Xafiska Warbaahinta Mu’Asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online