Ra’iisul Wasaaraha DFS oo cambaareeyey weerar Al-shabaab ku qaadeen Maqaaxi ku taala Xeebta Liido

January 22, 2016 - Written by Editor

beachMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay fiidkii lagu qaaday Maqaaxi ku taala Xeebta Liido, isaga oo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada ceykan oo kale ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay soo gaabinayaan cimriga kooxaha nabad-diidka ah ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka dadka caadeystay daadinta dhiiga birimageydada.

“Waxaa xaqiiqo ah in weeraradan qorshaysan ee argagixiso ay ka dambeyso kuwo arxan daran oo cadow ku ah Qaranimada iyo horumarka dalka, waxaanse u sheegaynaa inaysan caqabad kusii ahaan doonin ummadeena, illaahay idankiisna aan ka guulaysan doono”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee naftoodu ku waayey weerarkii argagixiso ee Baar Liido, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo”.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku ammaanay Ciidamadda Ammaanka sida dhiiran ee ay u soo bad-baadiyeen dadkii faraha badnaa ee argagixisadu go’doomiyeen oo ay ku jireen caruurta iyo haweenka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online