Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay qodobo kala duwan

January 21, 2016 - Written by Editor

astaanta.qarankaMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirada Amniga oo faah faahino ka siisay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen goob fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, halkaasoo ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isaga oo uga tacsiyadeeyey dhimashada Askarta, waxa uuna ku ammaanay dowladda Kenya garab istaageeda.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa xusay in Bankiga dhexe uu bilaabay bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, lana bixinayo labo bilood.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa kulan isbarasho ah la yeeshay Wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michael Keating, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta golaha fulinta dowladda, xurmo weyna u hayo shaqada culus ee ay ummadda u hayaan.

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanad guurada maalinta qorista Far-Soomaaliga, waxayna ku booriyeen shacabka in qof kasta oo Soomaali ah uu ku dadaalo horumarinta iyo ku hadalka luqadooda hooyo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online