Shirka Golaha Wasiirada ee DFS oo looga hadlay Xiriirka Iran iyo Soomaaliya

January 15, 2016 - Written by Editor

gole_wasiirGolaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulankan Warbixino looga dhegesytay Wasaarado ku hadlaya magaca guddi hoosaadyada ee golaha, sida guddiyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulsahda.

Ugu horeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ka warbixisay qaabkii ay dalka looga saaray Diplomaasiyiintii dowladda Iiraan, isaga oo xaqiijiayay inay dalka uga dhoofeen mudadii loo qabtay, sidoo kale waxa ay xaqiijisay Wasaaraddu inay si nabad ah dalka dib ugu soo laabteen Safiirkii iyo Diplomaasiyiintii kale ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Iiraan.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ayaa xusay in wixii hanti iyo agab kale ee ay laheyd safaarada Iiraan iyo hay’addihii kale ee hoos imaanayay sida Bisha-cas iyo Al Khumeyni ee ka howlgalayay gudaha dalka ay bed qabaan, dowladana ay gacanta ku heyso, waxaana ay tilmaantay Wasaaradu in dowladda Iiraan ay ka sugayaan inay soo magacaabaan dowlad saddexaad oo wakiil uga ah inay illaaliso danaha dalka Iiraan ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaarada Amniga gudaha taasoo ku aadaneyd habkii uu u qabsoomay shirkii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxa uuna xusay in shirku u furmay si habsami leh, ayna ka soo qeybgaleen dhamaamba ergooyinkii labada gobol.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay xeerka diiwaangelinta shidaalka (Petroleum Registry) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, waxaana sharcgani uu diiwaangelin doonaa heshiisyadii shidaal ee ay dowladda Soomaaliyeed horay ula gashay shirkaddaha shidaalka baara.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa laga dhegeystay warbixin ku aadan u diyaar garowga maalinta far Soomaaliga oo ku beegan Jannaayo 21-keeda, waxayna xustay inay sameynayaan barnaamijyo lagu weyneynayo maalintaas.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaaradda Haweenka xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixiyay u diyaar garowga munaasabado gaar ah oo barbar socon doona shirka Heerka sare ee Wadatashiga (HLPF), oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 23-24 Febraayo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online