Shirka Madasha wada tashiga Qaran oo berri ka furmaya magaalada Kismaayo

January 10, 2016 - Written by Editor

kistaKismaayo:-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa la filayaa in maalinta birito ah uu ka furmi doono shirka madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee sanadkan 2016 .

Shirka madasha wada tashiga qaran ayaa waxaa furi doona Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in uu maalinta birito ah uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray saaka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey .

Waxaa kale oo gaaray magaalada Kismaayo Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, Ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo xubno kale oo ka socda beesha Caalamka. Raisulwasaaraha DFS iyo Madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa gaaray magaalada Kismaayo .

Ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa caawa si weyn loo adkeeyey waxaana ciidamo lagu daadiyey wadooyinka Muhiimka ah kuwaas ka tirsan Maamulka J/land iyo AMISOM.

Shirka ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa la filayaa in lagu go’aamiyo nooc doorasho 2016 waxaana la isku heystaa qaabka doorashada 4.5 ama qaab deegaan waxaana la filayaa in madaxda isku raacaan qaabka doorashada 2016 ka.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online