Puntland : “Natiijo La’aan Ayuu ku soo Dhamaaday Shirkii ka socday magaalada Kismaayo

January 17, 2016 - Written by Editor

IMG_9166Kismaayo:-Shirweynihii Madasha Wadatashiga Qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka ayaa maanta soo gebageboobey iyadoo aan wax natiijo ah oo rasmi ah laga gaadhin qodobadii laga kala aragti duwanaa ee ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi karta sannadkan 2016-ka. Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka ay Madaxda Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ahi ka degganyihiin magaalada Kismaayo ku sheegay in mudadii ay madaxdu ku sugnaayeen magaalada Kismaayo Shirarkii ay yeesheen wax baxadan laysaga soo dhowaadey halkii markii hore lakala joogey dedaallo badan oo la sameeyey daraadood.

“sidaad ogsoontihiinba shirkii kabilowday halkan xalkana loogu raadinayey hiigsiga 2016-ka iyo sidii looga gudbi lahaa muddada dhammaanaysa looga gudbi lahaa runtii meel wanaagsna ayaa lasoo gaadhsiiyey, runtii hadda meeshii aan jooney waan isaga dhownahay”ayuu yiri Dr.Sharma’arke.

Ra’iisul-wasaare Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in ay weli harsan yihiin waxyaabo u baahan in si farsamo ah loo xalliyo taasna dib loo dhigi doono isla markaasna ay dawladdiisu iclaamin doono xilliga laga wada hadlayo in meesha looga wada hadlayaba.

“waxyaabo yar oo farsamo ayaa no hartay oo aanu doonayno in aanu dib uga wada hadalno aanu si dhaqsa ah isugu soo noqon doono, meesha laysugu imaanayo iyo xilliga laysu imaanayana dawladda Federaalka ayaa sheegi doonta” sidaasi waxaa yiri Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey oo isugu jirey labada gole ee Dawladda iyo xubno metelayey bulshada rayidka ayaa madasha shirka waxay kusoo bandhigeen aragtida shacabka Puntland oo ku qotonta in Degmo wax lagu soo doorto iyagoo ku adkaystay aragtidaasi in aanay ahayn mid ay ka noqonayaan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in aragtida ah in Degmo wax lagu soo doorto ay horseedi doonto in laga gudbo nidaamka qabaliga ah ee dalka iyo dadkaba ragaadiyey isla markaasna laheli doono metelaad dhab ah shacabka soomaaliyeed ka timaadda.

DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELITA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online