Siyaasiyiin uu hogaaminayo Ra’iisul wasaarihii hore DFS C/wali Sh. Axmed oo gaaray Puntland.[Video/Masawiro]

January 3, 2016 - Written by Editor

1Gaalkacyo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Goboka Mudug wafdi ay hogaaminayaan Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi iyo C/wali Sh. Axmed iyo siyaasi Dr.Baadiyow . Wafdiga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalakacyo waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golaha wasiirada dowladda Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo iyo dadweyne fara badan.

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi iyo C/wali Sh. Axmed ayaa sheegay in socdaalkooda u jeedadiisu tahay in ay ka qayb galaan xaflada furitaanka garoonka diyaarada Boosaaso oo furtaankiisa la daahfuri doono Usbuuca soo socda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ay ka mahad celinayo sidda loo soo dhaweeyey uuna u yimid in uu ka qayb galo xaflad lagu daahfurayo furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Dhinac kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh. Axmed ayaa isagana xusay in uu u mahad celinayo dadweynaha iyo masuuliyiinta reer Puntland ee soo dhaweeyey iyo in ay doonayaan in dowladda Puntand ay kala qayb qaataan farxada furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Wasiirka Deegaanka dowadda Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu soo dhaweeyey wafdiga ay hogaaminayeen Raiisul wasaarayaashii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaiya isagoo u mahad celiyey wafdiga sheeganay in ay muhiim tahay masuuliyiintaan in ay soo gaaraan Puntland.

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi iyo C/wali Sh. Axmed ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif oo saaka ku geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

no images were found

Hoos ka Daawo Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh. Axmed ee gaaray Gaalkacyo

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online