Tababar loo soo gabagabeeyey Ganacsatada Gobolka Sool.[Video]

January 19, 2016 - Written by Editor

1Laascaanood:-Dowro sharci ah looguna magacdaray (ganacsiga iyo aragtida islaamka ) ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool. Dowrada oo u jeedkeedu ahaa sidii ganacsatada loogu boorin lahaa inay ganacsigooda waafajiyaan shareecada islaamka isla markaana ay ka ilaaliyaan waxyaabaha ka xaaraanta ah, ayaa waxa soo qaban qaabiyay Golaha ardayda ka baxday machadka Al-furqaan,waxana ka faaidaystay ganacsato tiro badan oo ka socday goobo ganacsi oo kala duwan. Dawrada ayaa waxa ay soconaysay muddo labo casho ah, waxana ka baxay casharadan hoos ku xusan,iyadoona lagu soo gabagabeeyey su,aalo ay ganacsatu waydiinayeen culimada.

Golaha Ardayda ka baxaday Machadka Al-furqaan ayaa tababrkaa dhinac waday tababaro kale oo loogu talagalay ardayda ka qalinjabinaysa sanadka 2016 , Hablaha waxa ka barta machadka Al-furqaan . Gudoomiyaha ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan Xirsi Aadan Maxamed ayaa ka warbixiyey u jeedada tababarkan iyo cidda loogu talagalay. Dhinaca kale gudoomiyaha rugta ganacsiga C/risaaq Axmed Warsame ayaa uga mahadnaqay ururka so qabanqaabiyey tababarkan.

Hoos ka Daawo Ganacsatada Gobolka Sool oo loo qabtay tababar ku saabsan Ganacsiga

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online