Taliyaha Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.[Masawiro]

January 26, 2016 - Written by Editor

DSC01542Muqdisho:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed,  ayaa maanta ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden  Brigadier General Stefan Andersson oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Labada Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, waxana Taliyaha Xooga uu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay yihiin wadamo saaxiibo ah isla markaana labada dhinac iska kaashanayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Brigadier General Stefan Andersson Taliayaha Ciidamada Lugta ee Sweden oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahadcelin u jeediyay saraakiisha Ciidanka Soomaaliyeed sida wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu sheegay in Soomaaliya dhibaato badan soo martay hase yeeshee ay ka soo kabanayso dhibaataadaas. wuxuna xusay in dawladda Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden ayaa tacsi u direy ehellada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna sheegay Taliyihu in Goobdoon uu ahaa muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed taariikhna uga tagey.

                         —-DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

E-mail: gaashaandhigga@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online