Ururka Al-shabaab oo soo bandhiga askartii Kenya ee ay ku laayeen deeganka Ceel-Cadde

January 21, 2016 - Written by Editor

enyaNairobi:-Wasaaradda gaashaandhiga Kenya ayaa qirtay in askar badan looga laayey weerarkii ururka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga ay cidanka dalka Kenya u lahaayeen  deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo. Warbaahita Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay askartii Kenyaanka ahaa oo ay ciidanka ururka Al-shabaab ay ku laayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo waxaan ay sheegeen in askar kor u dhaafaysa 100 askari ay ku dileen weerarki ay ku qaadeen saldhiga iidan kenya ay ku lahaayee Ceel-Cadde.

Ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku hayaan 12 askari oo uu ku jiro sarkaalkii haystay saldhiga ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Dhinac kale sarkaal u hadlay Wasaaradda ciidanka Kenya Col David Obonyo ayaa qirtay in 40 askari looga dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo balse saxaafadda kale duwan ee dalka Kenya ayaa sheegatay in askar badan oo Kenyaan ah lagu dilay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Diyaaradaha dalka Kenya ayaa xasuuq ba’an u geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo iyagoo kaga aargudanaya weerarkii Al-shabaab ay ku laayeen ciidankooda

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online