Madaxweynihiii hore ee dowladda Puntland Dr. Farole oo lagu soo dhaweeyey Qardho.[Masawiro]

January 6, 2016 - Written by Editor

fartaQardho:-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihiii hore ee dowladda Puntland Dr C/raxmaan Farole ayaa saaka gaaray maglaada Qardho xarunta gobolka Karkaar isagoo ku sii jeeda magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari oo maalinta Jimcada ah oo taariikhu tahay 08 /01/2016 la furi doono garoonka diyaarahada ee magaalada Boosaaso.

Wafdiga madaxweynihiii hore ee dowladda Puntland Dr C/raxmaan Farole ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka Gobolka Karkaar , kan degmad iyo odayaasha dhaqanka, Masuuliyiinta Gobolka Karkaar iyo odayaasha ayaa wafdiga madaxweynaha u sameeyey maamus heer sare ah.

Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa xusay inay aad ugu faraxsan yihiin imaansha madaxweynihii hore dowladda Puntland ee Qardho isagoo ku amaanay madaxweyaha waxqabadkiisii xiligii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland oo wax la taaban karo uu qabtay wuxuuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhinac kale Madaxweynihii hore ee dowadda Puntland Dr.C/raxmaan Farole oo la hadlay Nabadoonada iyo waxgaradka ayaa uga mahaceliyey soo dhaweynta loo sameeyay isagoo sheegay u jeedka socdaalkiisa inuu yahay furitaanka garoonka Bosaaso waxaan uu ku amaanay dadweynaha iyo waxgaradka Qardho sidda ay ua soo shaqeeyeen xiligi uu taada Puntland hayey.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online