Wararkii ugu danbeeyey weerarkii xalay lagu qaaday Makhaayada Liido Sea Food.[Masawiro/Video]

January 22, 2016 - Written by Editor

liido1Muqdisho:-Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen weerarkii xalay lagu qaaday 2 makhaayadood oo ku yaal xeebta Liido ee magaalaa Muqdisho xili ay dadweynuhu ku cawey nayeen. Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay baar wax laga cuno oo la yiraahdo Liido Sea Food waxaan weerar ku qaaday ugu yaraan 5 dhalinyaro ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab,weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 15 qof oo rayid ah oo ku sugaa makhaayada la weeraray.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in weerarkii xalay ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Liido Sea Food iyo Beach Cafe la soo gabagabeeyey ciidankuna ay gacanta ku hayaan xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab oo weerarka hogaaminayey.
Weerarka xalay ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Agaasimaha bariga iyo bartamaha Tv-ga Somali Cable Wariye iyo BBC-da Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur.

Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyay weerarkaas xalay ay ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Makhaayadda Liido Sea Food iyo Beach Cafe.

Hoos ka eeg Muuqaal laga soo duubay weerarkii xalay lagu qaaday Makhaayaddaha Liido Sea Food iyo Beach Cafe.

Source:Masawirada:AFP/EPA/AP

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online