Warmurtiyeed: Wada-xaajoodkii Kismaayo ee Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran

January 18, 2016 - Written by Editor

CUMAR-CABRASHIID1Muqdisho:-Kulanka hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah iyo Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowlad goboleedyada iyo guddiyada hawlwadeenada iyo farsamada.

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Kismaayo, 10-14 Janaayo 2016, waxaa uu daba socdey baaqii Muqdisho ee 16 Diseember 2015 ka soo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee labaad.

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen ka mira dhalinta wadaxaajoodka Kismaayo, ee xulashada qaab doorasho oo la dhaqan gelin karo 2016-ka, iyo qorshaha meelmarinta hab doorasho. Waxaay si qoto dheer uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaa soo waafaqsan Baaqii Muqdisho.

Haddaba madaxdu iyagoo ogsoon xilliga lagu jiro iyo sida shacabka Soomaaliyeed uga dhursugayaan natiijada shirkaan ayaa waxey ku faraxsanyihiin tallaaboyinka wax ku ool ka ah ee la qaadey iyo jawigii wanaagsanaa ee wadahadaladu ku qabsoomeen.

Guud ahaan wax badan ayay madaxdu isla meel dhigeen, waxyaabaha xaga farsadama la xiriira ee harsana waxaa lagu dhamayn doonaa kulanka ay martigelin doonto dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono.

Dhamaan Madaxda kala duwan iyo ergada madashu waxay si gaar ah oo aan la soo koobi Karin ugu mahad celinayaan dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka ee sida wanaagsan ee gobanimada leh u martigeliyey ergooyinkii madasha.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online