Weerar iyo qaraxyo lala eegtay Makhaayada Liido Sea Food oo ku taal xeebta Liido

January 21, 2016 - Written by Editor

beachMuqdisho:-Waxaa caawa weerar lala beegsaday Makhaayada lagu magacaabo Liido Sea Food oo ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaan weerarka ku dhintay inta la xaqiijiyey 6 qof oo dhimasho ah, Weerarka caawa ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray weriye Maxamed Ibraahim Macallimuu oo firir badan uu ka soo gaaray Madax iyo qaybo ka mid ah jirkiisa.

Weerarka waqtiga uu dhacay ayaa Liido Sea Food waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan oo ku caweynayey ka dib markii ay soo tukadeen salaadii Makhrib balse dad fara badan ayaa oo ku sugnaa Makhaayadaha ku yaal xeebta Liido ayaa ka badbaaday weerarka. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay qabteen qof ay ku sheegeen in uu ka tirsanaa kooxda weerarka la beegsatay Liido Sea Food.

Weerarka Hotelka Liido ka dhacay ayaa waxaa goobta laga soo badbaadiyey Xeer Ilaaliye aan weli la helin magaciisa iyo masuuliyiin aan weli magacyadooda la helin, Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la kala geeyey rugaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Dhinac kale Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay mas’uul ka yihiin weerarkii lagu qaaday makhaayada Liido Sea Food,oo dadweyne badan ay habeenkii ku caweeyaan iyadoo dadku ay u soo raadsadaan cunooyin kale duwan

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online