Wefdi ka socda Beesha caalamka oo Kismaayo soo gaaray.[Masawiro]

January 31, 2016 - Written by Editor

DSCN1554-CopyKismaayo:-Wefdi ka socda Beesha caalamka oo uu horkacayey Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriisa Adruu Elan ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo Barqanimadii a maanta, Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag. Wefdiga Beesha caalamka ayaa soo dhaweyn ka dib kulan ay saxaafada dibad joog ka ahaayee la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbalaan oo ay weheliyiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Mud. Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Maxamed Nuur Iftiin ‘Shabara.

Kulanka ka dib Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil fartaag iyo Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska ayaa saxaafada la hadlay, Madaxweyne ku xigeenka oo hadalka ku horeeyey ayaana sheegay in ay Danjire Adru Elan ka wada hadleen Arimo ay ka mid ahaayeen Shirkii Muqdisho, Amaanka iyo Arimaha gargaarka.

Mud. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaana sheegay in ay ergeyga Beesha Caalamka ka socday ay isla meel dhigeen sedexdii qodob ee ay kulankooda oga wada hadleen. Wuuna carab ku dhuftay in ay Danjiraha ka wada hadleen Siyaasada Soomaaliya iyo Go’aamadii Qoorqabashada ahaa ee ka soo baxay Shirkii aan caadiga ahayn ee xamar ka dhacay 27- Bishaan Janaayo.

Wuxuuna sheegay Jubbaland in aysan caqabad ku noqoneyn arimaha Soomaaliya oo si cad u sheegay go’aanka la qaatay uu yahay mid aad u kharaar oo aysan Jubbaland ku qanacsanayan balse ay qaadanayaan si aysan Soomaaliya u kala tegin. Danjiraha Andruu Alan oo isna markiisa hadalka qaatay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay joogi taankiisa Magaalada Kismaayo, Wuxuuna tilmaamay imaanshihiisa Kismaayo in ay noqoneyso markii ugu horeysay.

Sidoo kale danjiraha ayaa sheegay in ay Kulankii ay laaateen Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oga wada hadleen qaar ka mid ah caqadaha siyaasadeed ee Soomaaliya ee snada 2016, Sida ugu macquulsan ee lagu wajihi karo doorashada dabayaaqada sanadkaan dalka ka dhici doonta  Iyo sidii doorasho hal qof iyo hal cod loo gaari lahaa sanada 2020-ka.

” Sidoo kale waxaan fursad u helnay in aan ka wada hadalno taageerada Ingiriisa iyo xubnaha Beesha caalamka ee lagu bixiyo dhinaca amaanka. Taasoo sida cad ah gabi ahaanba ah waxa ugu muhiimsan amaanka jubbaland gaar ahaa iyo Kan Soomaaliyaba, Ayuu yiri Danjire Anduruu Alan.

“Waxaana rajeynayaa hadii hormar laga gaaro amaanka in la awoodi doono bixinta nidaamyo badan oo hormarin ah, si xaalada binu-aadamnimo loo xaqiijiyo. Ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Anduruu oo intaas raaciyey “Anaguna waxaan awoodi doonaa in aan ku dhaqaaqno bixinta mashaariic iyo Dhaqaale lagu hormarinayo, Hormarinta Gargaarka.Ugu danbeyn wuxuu ka mahceliyey soo dhaweynta loo samee

 

Source:jubbalandmedia

W/Q: Zakarie Abdikadir Karazaay

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online