Xaflad Iskugu Jirta Abaalmarin Iyo Natiijadii Imtixaanka Machadka Khadiija oo ka dhacday Garowe.[Masawiro]

January 16, 2016 - Written by Editor

24Garoowe:-Waxaa dabaqa sare ee masjidka Al-Huda Garowe lagu qabtay xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay xafladaan oo ahayd mid lagu shaacinayay Ardaydii ka gashay kaalimaha hore Imtixaankii Machadka Khadiija ee magaalada Garoowe. Xafladaan waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday Wasaaradda waxbarasha Dowladda Puntland, Culima Awdiin , Waaridiin , masuuliyiinta Mu’asasada Al-minhaaj iyo marti sharaf badan.

Ugu horaynba waxaa xaflada ka warmay Gudoomiyaha Machadka Sh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu warbixin dheer ka bixiyay Taariikhda Machadka iyo Kaalinta Qiimaha badan ee uu kaga jiro waxbarashada Gobolka. Dhan kale waxaa isna dar daaran Iyo dhiirigalin u soo jeediyay ardayda mahcadka khadiija Sh. Maxamuud Xaji Yuusuf, Sheekha Gobolka Nugaal waxaana uu u dardaarmay ardayda in ay Umada gaarsiiyaay waxay barteen Islamarkaana ay siiwataan Barashada Culuumta Shareecada Islaamka.

Waxaana dhamaan martidii Xaflada ka hadlay ay qireen kaalinta muga leh ee Machadku kaga jiro waxbarashada guud ee gobolka gaar ahaan Barashada Shareecada Islaamka.

Ugu danbayntii waxaa Xaflada soo xiray Madaxa kormeerka waxbarashada Gobolka Nugaal Cumar Guureeye Maxamed isagoo amaanay Mac-hadka Khadiija Iyo Ardaydii ku guulaysatay Kaalimaha hore ee Tartanka waxaana uu aradydii gashay Kaalimaha hore U qaybiyay Abaalmarimo kaladuwan oo lasiiyay Ardaydii Gashay Imtixaanka Kaalimaha 1-aad Iyo 2-aad waxaana ardaydii kaalimahaas kuguulaystay wajiyadooda laga dheehan karay farxad heersara ah.

Hoos ka Daawo Xaflada Shaacinta iyo Qaybinta Abaalmarinta Mac-hadka Khadiija Garowe

Nuur Jaamac Aadam
Garowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online