Xuska Sannad-guuradii 2aad ee Dawladda Puntland oo xalay lagu qabtay magaalada Boosaaso [Masawiro]

January 9, 2016 - Written by Editor

IMG_7344Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa Caawa 08-Jan-2016 Xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso waxay kaga qayb galeen Xafladda Xuska Sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtey xilligii uu tala Puntland lawareegey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, sidoo kalena waxaa lagu soo gunaanadayey barnaamikii La-xisaabtanak hay’adaha dawladda Puntland iyo soo bandhigidda qorshe hawleedkooda 2016-ka.

Munaasabadda xuska sannad-guurada labaad ee dawladda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xubnaha labada gole ee dawladda Federaalka iyo dawladda Puntland, Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee dalka Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, siyaasiyiin, Ganacsato, Isimo iyo Marti sharaf kale.

Intii munaasabaddu socotey ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado wacyigelin ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada kala duwan ee Puntland ka samaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaala iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland oo caawa labo sano jirsatey ay ku tallaabsatay labadii sano ee ay soo shaqaynaysey guulo la taabankaro hadday ahaan lahay dhinacyada kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda intaba.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ay xukuumaddiisa u qorshaysan tahay inta uga dhiman muddo xileedkeeda in ay Puntland u soo hoyso guulo lama ilaawaan ah isla mar ahaantaasna gebi ahaan ay beddesho wejigii hore ee Puntland.

Dhinaca siyaasadda guud eh dalka ayuu Madaxweyne Dr.Cabdiweli waxa uu sheegay in shacabka Puntland ay hore usoo bandhigeen aragtidooda ku aaddan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka lafilayo inay dalka kaqabasoomaan isla markaana ay caawa madaxda horteeda ku cabireen dareenkaas oo ah qaab suugaaneed lagu muujinayo sida ay shacabka Puntland u diidan yihiin in dalka dib loogu celiyo halbeegii awood-qaybsiga beelaha ee 4.5 ee waqtigiisu dhammaaday.

Ugu dambayn madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad taariikhi ah kajeediyey madasha ayaa ku dheeraaday sooyaalk Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay helitaankii dawlad soomaaliyeed oo markale cageheeda isku taagta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku ammaanay midnimada iyo isku duubnida shacabka Puntland taaso ah mid mudan in ay kaga daydaan maamulada kale ee dalka kajira, isagoona tilmaamay in ay muhim tahay in la tixgeliyo aragtida shacabka Puntland ee ku aadan doorashooyin lafilayo dalka inay ka qabsoomaan.

no images were found

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online