Baarlamaanka Dowlada Puntland,Isimada,Siyaasiin iyo bulshada rayidka oo diiday 4.5 (Masawiro)

February 10, 2016 - Written by Editor

Breaking-NewsGaroowe: wafdigii uu hogaaminayey ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Golaha Baarlaaanka dowladda Puntland si uu ugu qanciyo go’aankii ka soo baxay shirkii wada tashiga qaran ee lagu qabtay Muqdisho oo 4.5 ay dowladda federaalka Soomaaliya go’aamsay beesha caalamkuna ay taageereen.

Golaha Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa ka horyimid go’aanka in doorshada dalka lagu galo 4.5 waxaan xubniii beesha caalamka ay soo hordhigeen qodobo badan oo ka tirsan Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la garab maray iyo hishiiyadiii ay horay u wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland beesha caalamkuna ay goob joog ka ahayd kulamadaas oo ka dhacay Garoowe , Gaalacyo iyo Nairobi.

Golaha baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyey ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay Michael Keating iyo xubnaha beesha caalamka in aysan ka fiirsan go’aanka ay qaateen oo ay ku sheegeen in Madxda Soomaali oo dhan ay ku hishiisay nidaamka 4.5 ayna gaarsiiyeen Qaramada Midoobay arrinkaas oo ah mid gabood fal ah laguna sii kala fogaynayo umada Soomaaliyeed.

Dhanka kalena ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa  kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Puntland waxaan ay u gudbiyeen qoraal ah in aysan marnaba aqbalayn nidaamka 4.5 uuna yahay mid khilaafsan dhamaan heshiiyadii ay wada gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland waxaan uu ka horimaanayaa Dastuurka dalka sidaas darteedna ay taageersan yihiin go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Puntland iyo xukuumadiisa.

Dhanka kale Siyaasiyiin iyo Musharaxiin ka tirsan Puntland ayaa kulan adag la qaatay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay Michael Keating iyo xubnaha beesha caalamka waxaana ay diideeen nidaamka 4.5 waxaana ka mid ah siyaasiyiinta la kulmay

1-Madaxweynihii hore Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole
2-Dr.Cali Xaji Warsame
3-Maxamed Cabdi Nuur
4-Cali Cabdi Awaare
5-Dr Yaasiin Faarax Cartan
6-Cismaan Gamuure.

Khilaafka u dhexeeya ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay Michael Keating iyo xubnaha beesha caalamka ayaa maanta cirka isku shareeray waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland u sheegeen Michael Keating in uu Puntland qasbi karin aysana aqbaleyn 4.5.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online