Ciidamada Huwanta oo gaaray Deegaanka Arxab oo 20 KM u jirta Caasimada Yemen Ee Sanca

February 11, 2016 - Written by Editor

2Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ee ay horkacayso dowlada Sacuudiga ayaa gaaray deegaanka Arxab oo 20 Km u jira waqooyiga Bari ee Sanca  ee xarunta dalka Yemen.

Ciidamada Daacada u ah Madaxweynaha dalka Yemen Abedrabbo Mansour Hadi ayaa guulo weyn ka soo hoyey magaalooyinka Ma.rib Jowf iyo Tacis waxaana muuqda haatan in uu dhamaaday wakhtigii kooxda Xuutiyiinta iyo Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Ciidamo badan oo ka tirsanaa ciidanka Jamhuuriga ee daacada u ahaa Madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalax ayaa u goostay dhanka kooxaha halganka kula jira kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta waxaana lagu soo dhaweeyey magaalada Ma,rib.

Dhanka kale waxaa ka soo talaabay xuduuda dalka Sacuudiga ciidamo badan oo ka tirsan dalalka Khaliijka kuwaas oo doonaya in ay ka faro maroojiyaan magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen oo ay haatan gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta iyo Madaxweynihii hore ee Cali Cabdlla Saalax.

Ciidamada Yemen iyo kooxaha shacabka ee garabka ka helaya ciidamada huwanta ayaa la wareegay laba saldhig oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Saldhiga Naham iyo Al-Fardh hoos ka eeg.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online