Dowro looga hadlayey Akhlaaqda oo lagu soo afmeeray Galdogob (Masawiro)

February 13, 2016 - Written by Editor

IMG-20160213-WA0001Waxaa habeenamadii jimacada ee taariikhdu ahayd 12/2/2016 ka dhacday masjid jaamica Galdogob xaflad balaaran oo lagu soo afmeerayey dawradii ama siminaarkii lagu baranayey akhlaaqda wanaagsan, xafladaas ayaa sidoo kale abaalmarino lagu gudoonsiinayey ardaydii kaalimaha hore ka gashay imtixaankii dawrada.
Imtixaanka oo ay galeen in ku dhow 400 oo arday ayaa abaalmarino qaali ah la siiyay ilaal 50 arday oo qaarkood heleen mobaylka Galaxy-ga, halka kuwo kalena ay heleen maktabada ardayga oo kakooban 9 fani. Dawrada oo ay maagaliyeen Shirkada biyo galinta, Minhaaj galdogob iyo supermarket-ka Shaam Mall ayaa ahayd mid xaqiijisay ahdaaftii laga lahaa, ayna ka faaiidaysteen guud ahaan dadwaynahay reer Galdogob.

Ugu danbayn xafladda oo kusoo gabogabawday jawi qurux badan ayaa guud ahaan dadkii ka hadlay waxaa uga mahad celiyeen Mu’assasada Minhaaj habka ay isugu soo dubariday dawrada, waxayna ka codsadeen inay sii wado barnaamijyada ay ku hormarinayso bulshada.

1- Saddexda arday ee usarraysa waxaa lasiiyay Mobilada looyaqaan glacxy iyo masaaxif qur’aan ah
2- Todobada Arday ee ku xigta waxaa lasiiyay Kutub ka kooban 9 kitaab oo sagaal fanni kala ah iyo Masaaxif Qur’aan ah.


3- Afartanka arday ee kalana waxaa lasiiyay kitaab aadaabta ku saabsan iyo Nasaaxif Qur’aan ah
Xafladaan ayaa Waxaa maalgaliyay
*- Shirgadda biyaha galdogob
*- S M Shaam Mall
*- Mu’asasada al minhaaj Galdogob Iyo shiikh mahad c/laahi oo ku deeqay dhammaan kutubta qur’aanka ah
Ardayda saddexda ah ee ugu sarraysay ayaa waxa ay kala ahaayeen
1- Naciima Axmed Cali ( jaamacadda)
2- C/raxman Sh, Axmed
Dheeli (Macaahidda)
3- C/raxmaan Xasan Aadan Takar (Dugsiga H/Dhexe Fasalka 8aad)

Mu’asasada al minhaaj Galdogob
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online