Faahfaahin qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.[Video]

February 28, 2016 - Written by Editor

qaraxBaydhabo:-Waxaa  maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay labo qarax oo waaweyn  kuwaas oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo qof is miidaamiyey  oo isku  qarxiyey makhaayada Badar oo ku taal Bartamaha magaalada Baydhabo.

Qarax ayaa waxaa lala eegtay labo makhaayadood oo dadku ay ku caweynayeen laguna fiirsanayey banooni waxaana qaraxyadaas ku dhintay ilaa 20 qof halka 40 qof ay ku dhaawacmeen. Qarax  ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo baxaya  in uu ku dhintay wasiir ku xigeenka wasaaradda hub ka dhigista ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qarax ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili habeen ka hor weerar khasaaro badan dhaliyey lagu qaaday Hotelka-SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmayaa oo kale xili dowladdaha reer Galbeedka ay ka dhawaaji yeen in ay dhimayaan lacagaha ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Fariin Qoraal ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerarkii ka dhacay Baydhabo ayna la beegsadeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo odyaasha dhaqanka baydhabo ee soo xulay  Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee uu madaxweynaha u yahay  Shariif Xassan Sh Aadan.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur galbeed oo ku aadan khasaaraha  rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Hoos ka Daawo Qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen 20 qof  dhaawac 40 qof

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online