Golaha Wasiirada DFS oo yeeshay Kulan gaar ah oo looga hadlayay dib-u-eegista Dastuurka KMG ah

February 13, 2016 - Written by Editor

IMG_2762Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa galabta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, geedi socodka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maraya heer-gabo-gabo ah.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dawladda Federaalka sanadan 2016, waxa uuna soo bandhigay qaar kamid ah qodobadii isbadalka lagu sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, waxana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka oo hadda maraya heer gaba-gabo ah.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa Guddiyada ka soo shaqeeyey howshan baaxadda weyn ee dib-u-eegista Dastuurka KMG ah. Waxaan rajeynayaa in dhawaan ay dhamaystirmi doonto dib-u-eegistu loona gudbiyo Baarlamaanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

—-DHAMMAAD—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online