Al-shabaab oo sheegtay Qaraxii Diyaaradii Daallo airlines

February 13, 2016 - Written by Editor

daaloKooxda Al-Shabaab  ayaa sheegatay qarixii  lala eegtay diyaaradda Daallo airlines waxaana qoraal la sheegay in uu ka soo baxay xafiiska warbaahinta kooxda Al-Shabaab lagu sheegay in ay qarax ay ka danbeeyeen .

War qoraal ah ee lagu faafiyey warbaahinta reer galbeedka gaar ahaan BBC -da ayaa waxay kooxda Al-Shabaab sheegteen in weerarka ay ku qaadeen Diyaarada Daallo airlines uu ahaa weerar loogu aar-gudayey Muslimiinta waxayna sheegeen in sirdoon reer galbeed ah ay saarnaayeen Daallo airlines.

Kooxda Al-Shabaab waxaa ay in badan daadisay dhiiga Soomaaliyeed ee Muslinka ah waxaana umada ay wada xasuustaan xasuuqii Hargaha iyo Saamaha ,Qaraxii Shaamow  iyo leynta haldoonka umada sidda aqoonyahanada Saraakiisha iyo Culumada Soomaaliyeed.

Qaraxa Daallo airlines ayaa waxaa ku halaagsamay hal qof oo la sheegay inuu ahaa ninka isku qarxiyay diyaaradda waxaa kale oo ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ah rakaabkii diyaarada ,waxaana si nabad ah ku soo degtay diyaaradii Daallo airlines.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa horey sheegay in qaraxu uu ahaa weerar argagixiso.Ciidanka Amaanka DFS ayaa xabsiga dhigay ilaa 25 qof kuwaas oo badankood ka shaqeynayey Garoonka caalamiga ah ee  Aden Cadde waxaana ku socda baaritaan sida uu sheegay sarkaal ka tirsan nabadsugida DFS.

Halkan ka Eeg Qoraalka BBC-da qeybta afka Englishka

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online